Ma Dhabaa In Kooxda Shababka ay Qorsheeyeen iney Weeraraan Dekeda Garacad

Somalia news

Xogo amaan oo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Ergo ka socota Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka ay wada hadalo aan miro dhal noqon la yeesheen Odayaasha & Guddi u xilsaaran Dhimaha Dekeda Garacad…

Xogtaan ayaa Warisadaha Diinah.com news u xaqjiisay in Maleeshiyaadka kooxda Shababka ka bilaabeen dhaqdhaqaaq degaano kamid ah Konfurta Gobalka Mudug ee Galmudug, waxeyna maleeshiyaad kamid ah kooxda isugu geysay degaano hoos yimaada Degmada Hobyo.

Wararka ayaa sheegay Horjoogayaasha Kooxdani ay dejiyeen qorshe duulaan ay ku qaadaan degaanada Tawfiiq iyo Jariiban ee Gobolka Mudug, oo ay kamid tahay Garacad oo gebogebo ku dhow dhismaha Deked cusub, horey ayeey Sanadkii 2016-kii Kooxdaani isku dayeen iney weerar ku qaadaan degaanada Puntland kuna jabeen.

206810cookie-checkMa Dhabaa In Kooxda Shababka ay Qorsheeyeen iney Weeraraan Dekeda Garacad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com