Xujada Somalia uga Xiran in laga qaado Cunaqabateynta Hubka

Somalia news

Diblomaasiyiinta & Saraakiisha Dowlada Federaalka ah ayaa muddo sanooyin ah waxey xusul duub ugu jireen sidii looga qaadi lahaa Cunaqabateynta hubka oo la saaray 1992-kii kadib markii uu ka qarxay dagaalada Sokeeye, Iyadoo ay xiligaasi ka soo wareegatay 31-sano ilaa haatana ma muuqato ifafaalo looga qaadi karo…

Inkastoo ay Dowladda Federaalka ay heshay taageero dheeraad ah dadaalka ay ugu jirto in laga qaado Cunaqabateynta hubka, haddana Dowladaha USA & UK ayaa weli ku dhegan in la qaado Xayiraadaasi, waxeyna ku sababeeyeen iyadoo Dowladu aysan si toos ah u maamulin tiro Dekado, Xeebo, Xuduudo ah iyo Garoomo Diyaaradeed, kuwaasoo si qarsoodi ah looga soo dejiyo Hub suuqa Madow ah.

Dalalkaan ayaa sidoo kale waxey farta ku godeen in qaadista xayiraada ay sahli karto in dhinacyada Dowladaha Maamul-Goboleedyada iyo kuwa aan Dowliga aheyn ay si qarsoodi ah hubka culus & rasaas u soo iibsadaan si suuq madow ah, iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin waxa ka dhalan kara.

Halka Diblomaasiyiinta & Saraakiisha Dowladda Federaalka ay aaminsan yihiin in Cunaqabateynta ay “Gardarro iyo Caqabad” u arkaan, qaadista Xayiraadaani ay horseedi karto in Ciidamada Somalia iney helaan Hubka culus iyo Diyaarado kana duwan kan gacanta ugu jira Kooxaha Argagixisada ee dagaalada ka wada Dalka isla markaasna doonaaya iney Dalka ka hirgeliyaan Nidaam Islaami ah oo Mayal adag.

244910cookie-checkXujada Somalia uga Xiran in laga qaado Cunaqabateynta Hubka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com