Cabsi Xoogan Oo Ka Taagan Magaalada Mogadishu

Somalia news

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ee Muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa habeenkii xalay aheyd dhagxaan waaweyn ku jaray Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan Caasimadda, iyagoo xal u arka in wadooyinka la xiro uu amaanku ku hagaagayo, kadib markii uu ka gaabiyay inuu Xal Waara u keeno Cabsi xoogan ee Shacbiga Muqdisho….

Dhagxaanta waaweyn ayaa la dhigay bartamaha laamiga Isgoyska Dabka, kadib markii halkaas dhagxaanta lagu geeyay gaadiid waaweyn, iyadoona dowladda aysan ka hadlin sababta xiligaan halkaas loo xiray.

Dhagxaanta la dhigay Dabka ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo shalay gaari NOHA oo xoog kusoo maray Bar Koontarool oo Ciidanka dowladda halkaas ku leeyihiin uu isku qarxiyey Isgoyska Sayidka halka laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Shacbiga Magaalada Mogadishu ku nool ayaa cabsi xoogan ka soo food saartay xaalada Amaan Ee Caasimadda, iyadoo Maamulka Farmaajo uu Ku Fashilmay Inuu sugo Amaanka Caasimadda, Iyadoo Xogaha la xiriira Gaadiidka Qaraxyada la gaarsiiyo si hordhac ah Saraakiisha Sirdoonada ee reer galbeedka ee ku sugan Xarunta Xalane, soona saara digniino amaan

94980cookie-checkCabsi Xoogan Oo Ka Taagan Magaalada Mogadishu