Xoogaga Amaanka Hargeysa oo Xiray Abwaankii Curiyay Heestii Birmade Xasan Sheekh”..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay qaadeen Xoogaga Amaanka Hargeysa ayeey ku soo qabteen Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geedi (Aakhiro), oo si weyn looga yaqaano Degaanada Dalka isla markaasna Tiriyay Maasnooyin iyo Heeso caan noqday uuna qaarkood u tiriyay Madaxweynaha Somalia…

Abwaanka oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Dalka muddona ku sugnaa magaalada Mogadishu ayaa u tagay magaalada Hargeysa si uu uga qeyb galo Aaska wiil uu dhalay oo ku geeriyooday magaalada, iyadoo Maamulka Hargeysa aysan weli ka soo saarin faahfaahin la xiriirta Xariga Abwaanka xilli loo aaneynaayo xariga Abwaanka inuu la xiriiro khilaaf Siyaasada ku qotoma una dhaxeysa Maamulka Mogdishu iyo Hargeysa.

Abwaanka ayaa tiriyay Heestii uu doorashada ku galay Madaweynaha Somalia Xasan Sheekh magaceeduna aheyd “Birmade Xasan Sheekh”, wuxuuna sidoo kale Bare ka ahaa qeybta Culuunta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda, sidoo kale wuxuu ka qeyb gali jiray Dood-Cilmiyeedyada lagu laga guraayo caaqadaha ay xiligaan wajahayaan Dhalinyarada Soomaaliyees.

307520cookie-checkXoogaga Amaanka Hargeysa oo Xiray Abwaankii Curiyay Heestii Birmade Xasan Sheekh”..