Ma Dhabaa in Dowladda Federaalka ay wado Dadaaladii ugu Dambeeyay dib u soo Celinta Dhalinyaradii Eritrea

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socda dib ugu laaban doona dalka Eritrea, halkaasoo ay tan iyo 2019 ku maqan yihiin askar ay tababar ugu qaadday Dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo, iyadoo Maamulka Asmara uu dalbaday in marka hore la bixiyo Dhaqaalaha deynta ah ee lagu leeyahay Dowlada Federaalka…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dadaal xooggan galinayo sidii uu dib ugu soo celin lahaa Dhalinyarada muddada dheer ka maqan dalka, kuwaasoo soo laabashadoodu muhiimad gaar ah xilligaan u leedahay Dowladda oo dagaal adag kula jirta Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Shabaabka.

Hore waxaa u soo baxay warar sheegaya in Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu dalbaday in la bixiyo dhaqaalaha uga baxday tababarka Ciidamadaan, dhaqaalahaas oo ay hore u ballan qaaday dowladda Dooxa hayeeshee ay xoguhu sheegeen in aan laga helin, Madaxweynaha ayaa sidoo kale u booqasho ku tegi doonaa dalka Maraykanka, si uu xukumadda Washington uga dhaadhiciyo in ay gacan ka geysato qalabeynta iyo dib u soo celinta Dhalinyaradaan.

224010cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Federaalka ay wado Dadaaladii ugu Dambeeyay dib u soo Celinta Dhalinyaradii Eritrea
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com