Ciidamo Ethiopian ah Dib Ugu Laabtay Dalkooda

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya tiro Ciidamo Ethiopian ah oo ku Hubeysan Noocyada Kala duwan isla markaasna aan ka mid aheyn kuwa Amisom farsiimana ku lahaa degaano ka tirsan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa dib ugu laabtay Dalkoodii…

Ciidamadaan,ayaa gurmad xoojin ah unoqonaya dagaalada Ciidamada Dowladda Federaalka Ethiopia ka wadaan gudaha Gobolada Tigreega iyo Oromada, kaasoo geystay khasaare balaaran iyo barakac xoogan.

Dhanka kale, waxaana la Sheegay in Dadka Degaanada Maamulka Dowlad goboleedka Konfur galbeed cabsi xoogan ay soo wajahday, kadib markii Maleeshiyaad tiro badan ay isku uruursanayaan daafaha Magaalada Baydhabo, iyadoo Ciidamadaan Ethiopian ah ay ka qeyb qaadan jireen xoojinta Amaanka Gobolada kor ku xusan sanadadii u dambeeyay.

124080cookie-checkCiidamo Ethiopian ah Dib Ugu Laabtay Dalkooda