Maxaa Ka Soo Baxay Kulanka Kooxda Aaran jaan & Dani Ee Addis Abeba

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Kulamo qarsoodi ah oo ka dhacay magaalada Addis abeba, wuxuuna Madaxweynaha Puntland la yeeshay Xubno ka tirsan Kooxda la magac baxday “Aaran Jaan”, kuwaasoo shirko maamulka Siyaasada Degaanada Puntland ku heshiiyay, hase yeeshee Mugdi soo kala dhex galay Doorashadii Madaxweynaha Dowlada Federaalka…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Deni iyo Wasiirka Maaliyadda Hassan Shire “Abgaal”oo ku wada sugan Caasimada Ethiopia, halkaas oo ay ku yeesheen kulan, sidoo kale waxaa shirka fogaan arag uga qayb galay Maxamuud Shiddo oo ahaa Horjoogayaasha wax ka dhisey Dani doorashadii 2019 waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay “Milkiilaha”, Dowladda, inkastoo muddooyinkii dambe mugdi soo kala dhex-galay isaga iyo Deni sidoo kale waxaa dhacay is-tuhun in aan si daacad ah loo wada shaqeyneyn doorashadii Madaxweynaha, oo AARANJAAN ay mowjad kale ka heesayeen (Kheyre).

MAXAY TAHAY SABABTA DENI DIB UGU BAAHDEY “AARANJAAN

Waxaa la is weydiinayaa iyadoo doorashadii Puntland ay dhowdahay, lana og yahay in Horjoogayaasha kooxda AARANJAAN iney yihiin musharaxiin 2024, waxa Dani xiligaan ugu baahdey?.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Xiligaan kooxda AARANJAAN ay gacanta ku hayeen Baaralamaanka gaar ahaan shir-guddoonka, waxaana ay ka ilaalin jireen iney ka horyimaadaan danahooda iyo tan Madaxweynaha, AARANJAAN ayaa hadda la aaminsan yahay in ay Golaha Wakiilada ku soo fasaxeen Madaxweynaha, waxaana Madaxweyne Deni u cadaatey in aan talo gacanta ugu jirin, arrintaasi waxay Madaxweyne Deni ka dhigtey mid uu nugul yahay oo uu baahi mar kale u qabo kooxdaan.

Sababta ugu weyn ee Mr.Deni ugu dhegan yahay in la meel-mariyo Axmed Taaran Guddoomiyaha uu u magacaabey Maxkamadda sare ee Baarlamaanka diidey ayaa ah inuu soo saaro qoraal uu sharci darro ku tilmaamayo go’aankii sanadkii hore Golaha wakiiladu gaareen ee ay xasaanadda kor ugu qaadeen kana dhigeen 2/3 oo ah 44 Xildhibaan in xasaanadda looga qaadi karo, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in uu doonaayo in uu Guddoomiye Axmed Taaran ka dhigto hub uu u isticmaalo wax ka beddelka doorashada Puntland ee lifaaqa ee horey loogu doortey 4 Madaxweyne oo uu ku jiro isagu.

Kooxdaan ayaa ku cadaadinaaya in Mr.Deni ka tanaasulo Axmed Taaran iyo garsoorayaasha kale, si isaga iyo Baarlamaanku isu fahmaan, waxaa lagu wadaa inuu dhowaan in Mr.Deni dib ugu soo laabto magaalada Garoowe, iyadoo xaaladda Puntland ay noqotey mid aad u cakiran, kadib doorashadii Madaxweynaha ee uu ku soo guul-daraystey, Abaaro aad u ba’an iyo dagaal ka dhashay iyo dhaqaale xumo ku habsatey Degaanka.

200830cookie-checkMaxaa Ka Soo Baxay Kulanka Kooxda Aaran jaan & Dani Ee Addis Abeba