Odayaal Dhaqmeedyo Lagu Eedeeyay Iney Siyaasada Ku Milmeen

Somalia news

Warbixino dheeraad ah ayaa laga helayaa Eedo loo jeediyay Odayaal dhaqmeedyo ka mid ah kuwa Gobolka Benadir, kuwaasoo lagu Eedeeyay iney shaqaale joogta ah u noqdeen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyagoo balanqaaday iney soo xulaan Xubno Taageersan Villa Somalia…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdulahi oo horey u degenaa Hoteelka Dayax la sheegay in laga raray oo la dejiyay Hoteelka Xayaad halkaasoo uu wada kala qeybta Beesha Murusade, wuxuuna ku wargeliyay Odayaasha Dhaqanka oo uu la kulmay iney kala tashadaan Xubnaha Beesha ku yeelaneyso Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Senatarda cusub, kuwii horena la bedeli doono.

Dhanka kale, Ugaaska Beesha Da’ud (Abgaal), oo mudooyinkii ugu dambeeyay taageere u ahaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka dhex wado Beelaha Mudulood kala qeybin iyo tushuush, wuxuuna u sheegay Odayaal uu la kulmay iney isku diyaariyaan sidii loo bedeli ahaa Xildhibaanada iyo Senatorada uga Wakiilka ah Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ugaaska Uu dhaqaale buuran ku qaatay sidii uu u saxiixi lahaa Xubno Taageerayaal ah oo ka tirsan Xoogaga Wadaniyiints iyo CBB Ee Maamulka Farmaajo isla markaasna Beelaha Mudulood u dhashay si loogu bedelo kuwa xiligaan uga Wakiilka ah labada Gole.

74270cookie-checkOdayaal Dhaqmeedyo Lagu Eedeeyay Iney Siyaasada Ku Milmeen