Ciidamo Gadooday Oo Xarun Qabsaday

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magalaada Boosaaso ayaa sheegaya in qeybo ka tirsan Ciidamada Maamulka Dowlad goboleedka Puntland, ayaa saaka oo Axad ah qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ay ku leedahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay ka  cabanayaan in aysan helin xuquuq ka maqan, waxeyna isku gedaamay xarunta Wasaaradda, waxaana ay diideen in cid soo gasho ama cid ka baxdo, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga.

Dabley ka tirsan Ciidanka gadoodsan, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay ka gadoodsan yihiin kadib markii ay waayeen xaquuq loo ballan-qaaday, xilli loo diray in la Cabud iyo Kaluumeysatada degaanka hawlgal la xiriira Maraakiibta Jariifka ah ee Xeebaha Puntland.

Xarunta Wasaaradda, waxa haatan ku go’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, kuwaas oo ciidanku diideen in ay ka baxaan Xarunta.

67110cookie-checkCiidamo Gadooday Oo Xarun Qabsaday