Axmed Madoobe Oo Isbedel Sameeyay xilli Xiisado ka soo Kordheen Gobolka Gedo..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo banaanaa tan iyo Sanadkii hore kafib markii uu geeriyooday Mas’uulikii Xilkaasi hayay (Marxuum Maxamed Warsame Darwiish)…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Madoobe uu xilkaasi u magacaabay Maxamed Oogle oo ahaa Wasiirkii Caafimaadka Maamulkaasi, Wasaaradii uu ka soo tagayna ilaa hadda aan Mas’uul bedela loo magacaabin, talaabadaan ayaa ku timid Xaalad deg deg ah kadib markii Senator Cabdullaaho Fartaag iyo ergo la socota ay ka degeen Magaalada Baardheere.

Wararka ayaa sheegay in Wafdigaan ay oggolaasho ka heystaan Madaxtooyada Villa Somalia kuna qaban doonaan kulamo wada tashi kuna aadan sidii loo dhisi lahaa Maamul loo dhan yahay degaanada Jubbaland, iyadoo hadalkaani ayaa u muuqda mid biliw u ah olole cusub, Mr.Axmed Madoobe ayaa doonaaya in Wasiirka cusub uu ka shaqeeyo arrimaha cakiran ee Gobolka Gedo

243670cookie-checkAxmed Madoobe Oo Isbedel Sameeyay xilli Xiisado ka soo Kordheen Gobolka Gedo..