Ciidamo Isku Rasaaseeyay Degmada C/Casiis

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn muddo kooban socota una dhaxeysay Laba Kooxood oo hubeysan kuwaasoo daacad u kala ahaa Madaxweyne  Kuxigeenka Dowlad goboleedka Hir-shabeele iyo Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda..  
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in is-rasaaseynti ay ka dhacday agagaarka Hoya uu degan yahay Mr.Cali Guudlaawe kaasoo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir…

Dirirtaan ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, waxeyna u dhaxeeyay ciidamo ay kala hoggaaminayeen sarkaal magaciisa lagu soo koobay Shataqey oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Madaxa Ilaalada Ee Madaxweyne Kuxigeenka Hir-schabellen kaasoo magaciisa lagu sheegay Nuur Dheere.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacabka ah ayaa ku geeriyooday is rasaaseyntaas ciidamada dhex martay, waxaana jira dhaawacyo soo kala gaaray, sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal ah, Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay isku dhaca ciidamadaas ay kala hoggaaminayeen saraakiishan, mas’uuliyiin ku dhaw madaxtooyada Hir-Shabeelle oo aan wax ka weydiinana waa ay ka gaab-sadeen.
Wax yar un kadib, xilliga ay is-rasaaseyntu dhacday.

Waxaa la sheegay in goobta uu gaaray Taliyaha Ciidamada Maamulka Farmaajo Odawaa Yuusuf Raage, kaasoo kala dhex galay labada dhinac, welina ma jirto cid faahfaafin ka bixisay dhacdadaas.

63120cookie-checkCiidamo Isku Rasaaseeyay Degmada C/Casiis