Ciidamo Isku Rasaaseeyay Degmada Wanla-weyn

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya is-rasaaseyn dhex martay Xoogaaga Amaanka ee Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeeleda hoose,ta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay 3 ruux , dhowr kalana way ku dhaawacantay,  Kadib markii ay murmeen laba ka mid ah Dableydaasi….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Is-risaaseynta ayaa ka dhacday suuqa lagu magacaabo Muuri. Sida Ilo xogogaal ahi sheegeen, Dadka ku geeriyooday shaqaaqadaasi ayaa waxay labo kamid ah ahaayeen askartii dagaallantay, iyadoo dadka dhaawacmay ay kamid tahay haweeney la sheegay iney xaaladdeeda liidato.

Inkastoo xabaddii ay istaagtay haddana waxaa xeran suuqii la isku rasaaseeyay oo kamid ah goobaha dadka u dukaameysi tagaan,Weli Saraakiisha maamulka Shabeellada hoose iyo Koonfur Galbeed intaba kama aysan hadlin shaqaaqada ka dhacday degmada Wanlaweyn.

60550cookie-checkCiidamo Isku Rasaaseeyay Degmada Wanla-weyn