Gudoonada Baarlamaanka Federaalka Oo Cabasho Ka Keenay Koorom La’aanta Xildhibaanada & Senatorada..

Somalia news

Waxaa joogto noqday baaqashada Koorom la’aan Kulamada labada Aqal ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka, Fadhiyada Baarlamaanka ayaa ujeedeedu tahay sidii looga doodi lahaa Hindise Sharciyeedyada iyo Heshiiyada ay Dowlada la soo gasho Dalalka kale..

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada lada Aqal ay intooda ku kala sugan yihiin Mogadishu, Nairobi iyo Istanbul, mana doonayaan iney gutaan waajibka saraan isla markaana ay u adeegaan Dadkooda oo ka  sugaya wax qabad, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu  jiro kulan guud oo xisaab xirka miisaaniyada ah oo ay ka qayb galayaan sidaas darteedana ay muhiim ay tahay in xubnaha maqan ay yimaadaan isaga oo ku dhawaaqay in shirka uu xiran yahay.

Sidan oo kale Guddoomiyaha  Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa diray digniin ku saabsan imaansho la’aanta Xildhibaanada Golaha kuwaasoo uu sheegay in ay gabeen  masuuliyadii saarnayd, ku darsoo Xildhibaanada ayaa Mushaarkoodii kororsaday, iyadoo uu markii hore ahaa 3000-US$, hataan waxey qaataan 4500-US$, waxaana lagu wadaa in marka ay ansixiyaan Hindisaha wax ka bedelka Dastuurka loo kordhin doono Mushaarka ayna qaadan 6000-US$ bishii.

299770cookie-checkGudoonada Baarlamaanka Federaalka Oo Cabasho Ka Keenay Koorom La’aanta Xildhibaanada & Senatorada..