Ciidamo Tababaro Dhameystay Oo Laga Dejiyay Kismaayo

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Danab oo Muddo Lix bilood ah Tababaro ku qaadanayay Xarunta Guutada Danab Ee degaanka Deegaanley Ee Bali-Doogle ayaa dib loogu celiyay Magaalada Kismaayo….

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Cutubkaan cusub oo kamid noqonaaya Ciidamada Kuumandoosta Danab Ee Dawladd Gobaledka jubbaland, Ayaa Saraakiisha Ciidamada Mareykanku ku tababareen Xerada Balidogle, wuxuuna qaatay tababarkaan muddo Lix Bilood, iyagoo laga qaaday Magalada Kismaayo.

Waxaa lagu wadaa in Ciidamadaan oo tiradoodu lagu qiyaasay 100-Askari (Horin), ayaa lagu wada iney ka howlgalaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyagoo kaashanaaya Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Amisom, waxeyna xaruntooda Dhexe ay noqon doonto Magaalada Kismaayo.

77310cookie-checkCiidamo Tababaro Dhameystay Oo Laga Dejiyay Kismaayo