Colaadaha Gobolka Tigray Oo Saameysay Howlgalada Amisom

Somalia news

Dagaalada Ka socoda Gobolka Tigray ee Waqooyiga Ethiopia ayaa la sheegay inuu saameyn iyo Gacan ka hadal ku yeeshay Howlgalada Ciidamada Amisom ee Qeybaha Gobolada Bay, Bakool, Kismaayo iyo Hiiraan, iyadoo talaabadani ay wiiqeyso dadaalada xasilinta Dalka Somalia…

Dalka Ethiopia oo Ciidamada Howlgalada Amisom oo ku leh Ciidamo gaaraya ilaa 4000-Askari, si la mid ah waxaa jira tiro kale oo Ciidamo Ethiopian ah oo aan ka mid aheyn Howlgalada Ciidamada Amisom kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 2000, inkastoo ay qaarkood kala baxeen todobaadyadii tagay.

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in ilaa 1000 Askari oo Ciidamada Ethiopia Ee ku howlgala magaca Amisom dib loogu celiyay Ethiopia waxeyna ka qeyb qaadanayaan dagaalada Ka socda Gobolka Tigray, balse Taliska Amisom iyo Maamulka Addis Ababa midna kama hadlin.

Waxaa intaasi dheer in Saraakiisha iyo Ciidamada Ethiopia gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Tigray ayaa hub ka dhigis iyo xarig lagu sameeyay (300), Ciidamadaan ayaa lagu amray iney dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo lagu eedeeyay iney halis ku yihiin Amaanka Ciidamada kale, waxaana soo shaac baxaaya welwel ay qabaan Saraakiisha Ciidamada Amisom kadib is-rasaaseyntii ka dhacday degaanka Halgan (Gobolka Hiiraan).

77380cookie-checkColaadaha Gobolka Tigray Oo Saameysay Howlgalada Amisom