Kulanka Afada Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku yeesheen Afada Madaxweynaha Mrs.Seynab Macallin Iyo Xubno uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, iyadoo kulankaasi looga dooday Qodobo badan oo ay ka mid yihiin xulista Xildhibaanada Beesha iyo Arrimaha Siyaasada….

Kulankaan oo ahaa Qado sharaf, ayaa looga dooday in Xildhibaanada Xiligaan Beesha Murusade ku metela Baarlamaanka Federaalka (Aqalka Sare iyo Golaha Shacbiga) looga takhalusi lahaa, gaar ahaan Xildhibaanada kala ah Xasan Macallin, Cabdulahi Gaafow, Mustaf Dhuxulow, Xuseen Iidow, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Nimco Maxamed Gacal, Maryan Cariif iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dheg-dheer).

Wararka ayaa sheegaya in Kulankaasi lagu heshiiyay in Xildhibaanada iyo Senator-ka la bedelo, Iyadoo Xubno cusub Sanadkaan loo doorto, waxaana la sheegay in Kulanka Qadadaasi lagu falanqeeyay sida Beesha Cadale Sabdi Xildhibaanka soo socda Nin u Qaadan lahyeen halka Abakarna loo siin lahaa Xildhibaan Gabar ah iyo Hal Nin oo Senator ah.

Waxaana la isla meel dhigay in laga taqaluso Drs.Maryan Cariif laguna Badalo Mrs.Nasro Wehliya Maalin oo iyado si Toos ah Gacan yare u ah Afada Madaxweynaha Somalia.

77270cookie-checkKulanka Afada Madaxweynaha & Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug