Roobabka El-niino Mahiigaanka ah oo 130-Qof ku Dilay Dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia…

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaare nafeed oo ka dhashay Daadad ku soo rogmaday Dalalka Ethiopia, Kenya iyo Somalia kuwaasoo ugu yaraan 130 qof ay ku dhinteen kadib markii roobab mahiigaan ah oo dhaliyay khasaare balaaran sida ay Hey’adaha Gargaarka ku tilmaameen daadadkaan oo 100-kii sanaba mar la arko…

Somalia ayaa la sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ka dhasheen Daadadka ka dhashay Roobabka Dabeylaha wata ee ku dhuftay Gobolka Geeska Afrika, Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in 51 qof ay ku dhinteen guud ahaan Dalka, Nus-Millions oo Qofna ay ka barakaceen Guryahooda tan iyo markii ay Roobabku bilowdeen bishii Oktoobar, wuxuuna saameeyay Gobolada Mudug, Hiiraan, Sh/dhexe, Hoose Bay, Bakool Gedo iyo Jubooyinka.

Halka, Dalka Kenya, Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in Boqolaal guri ay la tageen Roobabka Xeebaha iyo waqooyiga Kenya, taasoo keentay dhimashada in ka badan 50 qof, ugu yaraan 30,000 oo qofna ay guryahooda kala baxeen, Degaanada Maamul Goboleedyada Mandera, Wajeer iyo Tana River, ayaa dhul baaxad leh ay biyo harqiyeen, kuwaasoo noqday ah degaanada ugu daran ee uu saameeyay Roobabka Mahiigaanka ah.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka Ethiopia ayaa xaqiijiyay in tirada Dadka ku dhintay fatahaadda ay gaartay 30 kadib “Roobab aan kala joogsi lahayn oo ka da’ay Degaanada Gambella, Canfarta iyo Gobolada Soomaalida”, Waxa ay sheegeen in caruur ay ka mid yihiin Dadka ay ku qaraqmeen biyaha xilli ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan biyaha fatahaadda.

Khabiirada saadaasha Hawada waxa ay sheegeen in isbedelka cimiladu uu ka dhigay cimiladu heer aad u kuleyl badan ilaa abaaro iyo fatahaado -kasii daran aduunka oo dhan, sida dalalka Geeska Afrika, halkaasoo dhawr bilood ka hor qaybo ka mid ah Ethiopia, Kenya, Somalia iyo South Sudan ay ka dhacday abaartii ugu darnayd.

288010cookie-checkRoobabka El-niino Mahiigaanka ah oo 130-Qof ku Dilay Dalalka Ethiopia, Kenya & Somalia…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com