Wararkii ugu Dambeeyay Diyaaradii Ku Dhacday Degaanka Xiindheere..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa QM ka soo saartay shilka diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd, isla markaana ‘Waday daadgureyn Caafimaad’ taasoo ku dhacay degaan ka tirsan Maamulka Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay wado dadaallo looga jawaabayo shilkan, isla markaana ay ‘ku howlan tahay ururinta macluumaad dhameystiran’ oo la xiriira shilka diyaaradaan, iyadoo Diyaaraddan ayaa ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud, Diyaarada ayaa la sheegay iney iska laheyd Dalka Ukraine qandaraasna ka heysatay QM Somalia.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Shabaabka goobta diyaarada ku dhacday ay ku dileen Dhakhtar kasoo jeeda dalka Egpyt oo ka mid ahaa Rakaabkii diyaarada la socday, halka dhowr Qof oo kale oo isugu jiray Ajaaniib iyo Soomaali ay kooxda nolol ku wateen.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in duuliyihii diyaarada oo ah ajnabi iyo nin kale oo Soomaali ah oo isna dhaqtar ahaa ka baxsadeen goobta diyaaradu ku dhacday, lamana oga ilaa hadda labadaasi qof nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan.

300270cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Diyaaradii Ku Dhacday Degaanka Xiindheere..