Xoogaga Amaanka Caasimada Oo Amaro Cusub Dul dhigay Mootooyinka & Ciidamada Hubeysan

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Amaro cusub oo ay soo saareen Xoogaga Amaanka Magaalada Mogadishu, iyadoo lagu amray inaanay wadayaasha mooto bajaajta shaqayn karin, wixii ka dambeeya habeen bar (12:00am), sidoo kale waxaa digniino loo diray Ciidamada Hubeysan…

Afhayeenka Ciidamada Boliiska, ayaa dembi ku tilmaamay, cid kastoo ku xadgudubtaa amaamiirta hay’adaha ammaanka, “Waxaa la mamnuucay habeenkii wixii lix saac ka dambeeya inaysan socon karin mooto bajaaj, oo magaalada dhexdeeda aysan ka shaqayn karin, fiidkii horena ay dadku adeegtaan. Intii hawlgalku socdo habeen madow lix saac wixii ka dambeeyo, ciddii mooto waddaa la arko inay dembi tahay, oo ay ku xadgudubtay awaamiirtii ka soo baxday laamaha amniga.” Ayuu yiri Afhayeenka oo saaka BBC la hadlay.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale milkiileyaasha mooto bajaajta ku wargeliyay inaanay mootadooda u dhiibi karin cid aysan garanayn ehelkiisa iyo halka uu ka yimidba.

“Sidoo kale waxaan rabnaa milkiileyaasha bajaajleyda inaan uga digno inaysan shakhsi aysan aqoonin ehelkiisa iyo meesha uu ka yimid aysan u dhiiban karin mootadooda.” Ayuu yiri.

Afhayeenka Boliiska ayaa intaasi ku daray in la mamnuucay Askar aan ahaan kuwa hawlgalada wada inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin Caasimadda Muqdisho.

Amaradaan ayaa ku soo aadaysa, xilli Xoogaga Amniga ay ku fashilmeen iney sugaan amniga magaalada, iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyay ay aad u kordheen falalka dhaca ah oo ay geysanayaan kooxaha hubeysan xilliyadii habeenkii dadkana ku baarta magaalada.

200140cookie-checkXoogaga Amaanka Caasimada Oo Amaro Cusub Dul dhigay Mootooyinka & Ciidamada Hubeysan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com