Dabley Hubeysan Oo Qabsatay Garoonka Diyaaradaha Degmada Cabud waaq…

Somalia news

Wararka naga soo Degmada Cabud waaq ee Gobolka Galgudud ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ayaa xalay qabsatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada, Dableydaan ayaa la sheegay iney qaabka Ganacsiga Qaadka, waxeyna sheegeen hadii aan wax ay saluugayaan uu xirnaan doono muddo ayaan cayimin…

Wararka ayaa sheegaya dhacdadaan ay soo xoojineyso Xiisada u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa oo isku qabtay Qoraal uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka kaasoo Xilka ka qaaday Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug isla markaasna taageeray Golaha Degaanka oo xilkii ka qaaday Duqa magaalada iyo kuxgeenkiisa.

Xiisada Garoonka ayaa la sheegay inuu saameeyay Wasiirka Duulista Galmudug oo horey oggolaado u siiyay Ganacsato iney 8-maalmood oo xiriir ah loo xiro keenista Qaadka Ganacsato degaanka oo ka soo horjeeda Kooxda hadda qabsatay Garoonka Doyaaradaha, waxeyna ku hanjabeen in maanta uu xirnaan doono.

276330cookie-checkDabley Hubeysan Oo Qabsatay Garoonka Diyaaradaha Degmada Cabud waaq…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com