Maamulka Hargeysa oo Xoogag Hubeysan soo Dhigtay Degaanka Ka Tirsan Gobolka Sool..

Somalia news

Wararka ka imaanaya degmada Yeyle oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland Maleeshiyaad soo dhoobtay duleedka degaankaasi, Xoogagaan Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiya-beeleedyo la soo ururiyay ayaa sida la sheegayo fariisin ka samaystay Tuulada Buq-dharkayn oo hoos yimaada Degaanka Yeyle…

Dadka Degaanka ayaa ku soo warramaya in durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul laga dareemayo tuulada Buq-dharkayn oo ay saldhig ka samaysteen ciidamada Somaliland, Taliska Somaliland ayaa sidoo kale weli sii wada abaabulkii dagaal ee ka socday dhinaca degmada Oog halkaas oo ay ku diyaarinayaan maleeshiyaad hubaysan si ay weerar rogaal-celis ah ugu qaadaan ciidamada SSC.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa todobaadkii hore sheegay iney ka aar-gudan doonaan Xoogaga SSC-Khaatumo ee Maleeshiyaadka Somaliland ku jebiyay dagaalkii Laascaanood kana qabsaday Hub iyo Saanad aad u badan, iyadoo baaqyo Nabadeed loo jeediyay Dhinacyadaan ay dhegaha ka fureysteen.

276360cookie-checkMaamulka Hargeysa oo Xoogag Hubeysan soo Dhigtay Degaanka Ka Tirsan Gobolka Sool..