MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KU WAJAHAN MAGAALADA NAIROBI 

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Mogadishu ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya…

Madaxweyne Deni oo degan hoteel ku dhex yaal xeyndaabka Xalane ayaa lagu wadaa in uu maanta safar aan la shaacin ugu amba-baxo Magaalada Nairobi, kadib markii uu ka qeyb galay Doorashadii Xilka Madaxweynaha Somalia kaalinta 3-aad ka galay..

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo Mas’uuliyiin wehelisa oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay maanta dib ugu laabtaan caasimadda Garoowe, iyadoo xiliyadaan dambe uu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Saciid Dani iyi Kuxigeenkiisa (Karaash).

189830cookie-checkMADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KU WAJAHAN MAGAALADA NAIROBI