Dadaalada Jabuuti Ee Xiisadaha Somalia & Kenya

Somalia news

Dowladda Jabuuti ayaa ka shaqeynaysa, sidii loo dhameyn lahaa Xiisadaha ka taagan Xuduudaha Dalalka Somalia iyo Kenya, kadib markii Ciidamo iyo gadiid dagaal ay dhigeen Magaalooyinka B/Xaawo iyo Mandheera, iyadoo Dadka Degaanadaasi ay cabsi ku abuurtay dhiilada colaadeed….

Urur Goboleedka IGAD ayaa Dowladda Jabuuti u wakiishay inay xal waara ka keento khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Maamulada Muqdisho iyo Nairobi, waxeyna barwo u direen Hogaamada dalalkaasi si looga baaqsado inuu gacan ka hadal ka dhasho xiisadaani.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Jabuuti ayaa sheegay in wafdi ka Somalia (Saraakiil iyo Ciidamo) ay maanta tegi doonaan Magaalada Djibouti, isagoona ujeedada socdaalkooda ku fasiray mid lagu qiimeynayo xiisadda ka taagan xuduudda labada dalka.

Ujeedada socdaalka ayaa waxa uu ahaan doonnaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda Beled Xaawo iyo Mandhera, waana hawl ay u igmadeen Madaxda IGAD Jabuuti in ay ka shaqeyso hawlaha ama xiisadda ka taagan xadka Somalia iyo Kenya.”

81020cookie-checkDadaalada Jabuuti Ee Xiisadaha Somalia & Kenya