Ciidamo Hubeysan Oo Qabsaday Saldhig Boliis

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya Ciidamo aad Hubeysan watana Gaadiidka Dagaalka ayaa maanta galabta la wareegay guud ahaan Degmada Kaaraan gaar ahaan Saldhigga Boliiska..

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan oo ku hubeysnaa ilaa 50 Tiknikada dagaalka ayaa hub ka dhigis ku sameeyay Ciidankii joogay Saldhigga Boliiska, waxeyna ka qaateen qoryihii iyo rasaastii Saldhigga Taalay, iyagoo dib ugu laabtay xarumihii ay ka soo ruqaansadeen.

Dhanka kale Isgoeyska Tarabuunka Ee Degmada Hodan ayaa la sheegayaa inuu is-rasaaseyn xoogan xiligaan ka bilaabatay, lama oga kooxaha dirirtu u dhaxeyso.

81000cookie-checkCiidamo Hubeysan Oo Qabsaday Saldhig Boliis