Dadaalada Nabadeed Ee Sheekh Shariif Iyo Kaalinta Villa Somalia

Somalia news

Maalimihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Wararka sheegaya in Madaxweynihii hore Ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh uu kaalin weyn ka qaatay xalinta khikaafka ka taagan cidda qabaneysa Hogaanka Maamulka Hir-Shabelle…

Inkastoo Shaqadaan loo igmaday Dowladda Federaalka si loo dhameystiro Hanaanka Qaab dhismeedka Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle, hadana ay ka gaabisay, ayaa waxaa isku xil saaray Xalinta Khilaafka Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo isku keenay dhamaan dhinacyada isku haya Siyaasada Hir-shabelle.

Dhammaan dhinacyadii ka qaybgalay kulanka ayaa waxa ay isku raaceen in Hirshabeelle ay ka dhacdo doorasho laysla ogolyahay waxaana sidoo kale beelaha Xawaadle iyo Abgaal lagu heshiiyey in doorashada Hirshabeelle tartan furan noqoto.

Heshiiskaan dhexmara labada beelood ayaa ka dhigan in Mr.Cabdulaahi Sanbalooshe uu isku sharixi karo Xilka Madaxweynaha Ee Hirshabeele, talaabadaan ayaa u muuqata mid dhabar jab ku noqonaysa Hogaanka Villa Somalia oo booskaasi u qorshaysay Cali Guudlaawe.

70790cookie-checkDadaalada Nabadeed Ee Sheekh Shariif Iyo Kaalinta Villa Somalia