Turkiga Oo Deyn Ka Bixiyay Somalia

Somalia news

Madaxweynaha Turkiga Mr.Rejeb Dayib Erdogan ayaa saxiixay warqada Somalia looga bixinayo lacag dhan $2.72-million oo US$ ah, taasoo ahayd deyn ay ku lahayd Hay’adda Lacagta Aduunka, sida lagu qoray qoraalka Madaxweynaha…..

Mr.Erdogan ayaa ku amray Mas’uuliyiinta Wasaarada ee dalkiisa in lacagtaasi loo shubo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF) ayna tahay mid ay Turkigu si deeq ahaana uga bixisay Somalia oo aan deyn ahaan loogu laheyn.

Erdogan ayaa talaabadan qaaday, iyadoo ay soo baxayaan wararka cadeynaya in ay Ankara doonayso in ay soo saarto Shidaalka Somalia, iyadoo ay gacan ka geysato tababarada la siiyo Ciidamada Amniga ee dalka.

70740cookie-checkTurkiga Oo Deyn Ka Bixiyay Somalia