Dadaalada Xal Waara Loogu Raadinaayo Khilaafka Doorashada

Somalia news

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo wareysi siiyay BBC ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu qaato kaalinta hoggaanka looga baahnaa oo uu isu keeno dhinacyada kala duwan ee isku mari la’ doorashada, si horay loogu socdo….

Wuxuuna Mr.Swan sheegay “Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaanta jira in la isku soo dhowaado, xaqiiqdi waxaa jirta fursad haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn ee Soomaaliyeed ay isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa inuu cid walba uu isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo”.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si gaabis ah u socday dadaalo la la xiriirinaayo xal u gelisay is-mari waaga ka taagan Doorashada kuwaasoo isugu jira kuwo toos ah iyo dadban ayna garwadeen ka ahaayeen Madaxda Maamulada qaarkood iyo Wakiilka UN-ka Ee Somalia, inkastoo aysan natiijo la taaban karo ka soo bixin, waxaana Maamulka Farmaajo muddo xileedkiisu uga harsan tahay 19-Maalmood.

88100cookie-checkDadaalada Xal Waara Loogu Raadinaayo Khilaafka Doorashada