Farmaajo Oo Xilka Ka Xayuubiyay Madaxii Ciidamada Gedo

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu amar ku bixiyay in Xilka laga xayuubiyo Taliyihii Ciidamada Gobolka Gedo Mr.Maxamed Cali Caddow, iyadoo xilkaasi loo magacaabay Sarkaal kale…

Wareegto ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilkaasi loogu magacaabay G/Sare Cabdirashiid Saciid Cabdi (Gooje), oo ka tirsan Ciidamada, Wararka ayaa sheegay in ka hor intii aan xilka laga qaadin Maxamed Cali Caddow ayaa looga yeeray Magaalada Muqdisho, oo maalmihii la soo dhaafayba uu ku sugnaa.

Ilo wareedyo Ayaa sheegay in Sarkaalkaan iyo Gudoomiyihii Gobolka Gedo la sheegay iney isku dhaceen Cabdullahi Kulane (Jiis-mareexaan) oo Wakiil ka ah Madaxweynaha, isla markaasna u xil saaran abaabulka Ciidamada Gobolka Gedo, iyadoo la isku qabtay Howlgalada Ciidamada Ee Magaalada B/Xaawo iyo xuduuda.

Sidoo kale waxaa la sheegay iney jiraan Saraakiil kale ee musuqmaasuqan lala xiriiriyay waxaa ka mida Madaxa Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke, oo ka soo jeeda Beesha Mariixaan, Ma cadda in musuqmaasuqaasi lagu helay iyo in kale.

88070cookie-checkFarmaajo Oo Xilka Ka Xayuubiyay Madaxii Ciidamada Gedo