Qodobo Xal U Ah Khilaafka Doorashada Oo La Soo Bandhigay

Somalia news

Iyadoo Xaalada Khilaafka Doorashada uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, ayaa waxaa la sheegay in Dhinacyada isku hayo loo soo jeediyay talo ku aadan sidii looga gudbi lahaa is-mari waaga ka dhashay Guddiyada Doorashada Dadban, isla markaasna loo wada dhisi lahaa Guddiyada Doorashada oo wadar oggol ah…

Sida laga soo xigtay Faallo ay soo saareen Machadka Heritage waxeyna kula taliyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisu 18-maalmood ka harsan tahay “Inuu Dalku khatar ku sugan yahay una baahan yahay in la badbaadiyo”.

Waxey qoraalkoodu ku sheegeen “hadii aan la helin heshiis degdeg ah oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa Heshiiskii 17-kii September, waxaa suurto gal ah in Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo 3-maamul Goboleedka iney qabsadaan doorssho aan loo dhameyn, ay horseedi karto in Dalku uu dib ugu laabto Dagaalo sokeeye”.

Machadka ayaa waxey talo ku soo jeediyeen in la dhaqan geliyo qodobada hoose ku xusan si looga gudbo Khilaafaadka ragaadiyay Doorashada:-

-Guddiyada Doorashada, waan iney Maamulada Iyo Xisbiyada Mucaaradka soo gudbiyaan Magacyada Xubnaha la eedeynaayo Ee Shaqaalaha iyo Taageerayaasha ah.

-Iney U gudbiyaan Wakiilka UN-ka si gacan looga siiyay Dowladda iney soo bedelaan Xubnahaan la Eedeeyay.

-In Dowlad Goboleedyada ay iyaguna bedelaan Guddiyada Doorashada ee ay magacaabeen Ee Gobol iyo heer Federaal.

—Khilaafka Iyo Muranka ka dhashay Guddiyada Doorashada ee Soo xulida Xubnaha Xildhaanada Waqooyiga Waa iney iska kaashadaan Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka si wada oggol ah u soo magacaabaan Guddiyada Doorashada.

Ugu dambeyntii Waxaa loo soo jeediyay in Xiisada ka dhalatay Ciidamada Gobolka Gedo in ka wada hadlaan Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe si looga gudbo Caqabadaha hor taagan Doorashada.

88130cookie-checkQodobo Xal U Ah Khilaafka Doorashada Oo La Soo Bandhigay