Dadaalo Lagu Xalinaayo Khilaafka Guddiyada Doorashada Ee Waqooyiga Oo Socda

Somalia news

Kadib markii damaca Boobka Ee Farmaajo & Rooble ay wadeen socon waayay ayaa Waxaa socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Hoggaanka Guddiga doorashada Somaliland oo ay isku hayaan labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi…

Dadaalada la wado ayaa ka mid ah in labada dhinac ay kala qaataan Guddoomiye iyo Kuxigeen, inkastoo aan weli aqbalaad rasmi ah laga helin labada dhinac, inkastoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku howlan yahay in arrinta la dhameeyo illaa maanta duhurkii.

4-ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ee ka yimid dhinaca Cabdi Xaashi ayaa xalay diiday inay ka qeyb galaan doorshada Hoggaanka Guddiga oo maanta lagu waday inay ka dhacdo Afisyooni, iyadoo ay socon waayeen hanjabaadihii iyo qorshihii Boobka Ee Villa Somalia u soo wakiilatay Lahelow (Rooble).

133430cookie-checkDadaalo Lagu Xalinaayo Khilaafka Guddiyada Doorashada Ee Waqooyiga Oo Socda