Farmaajo Oo Qorsheeyay In Jubbaland Loo Aqoonsado Degaan Cadow Heysto

Somalia news

Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga uu yahay Mr.Farmaajo ayaa in muddo ah qorsheynaayay sidii uu u hirgelin lahaa Qorshe guracan oo uu ku doonaayo in Dowladda Federaalka ay degaanada Jubbaland u aqoonsato “Degaan Gacanta ugu jira Cadow Soomaaliyeed”…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in jiritaanka Qorshahaan oo Villa Somalia ay doonayaan in Mr.Rooble (Wasiirka 1-aad) uu hirgeliyo, wallow damacaasi digniino laga bixiyay, iyadoo aan lagu qabanqaabiyay karin Doorashada, loons wareejiyo Magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaarey.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur oo ka hadlay Qorshahaan ayaa uga digay Mr.Rooble inuu ku dhaqaaqo fulinta qorshaha Waalida ah Ee Mr.Farmaajo, Ee Doorashada looga wareejinaayo Magaalada Kismaayo si sharci darro ahna loo geeyo Gobolka Gedo ay noqon doonto “qar iska tuurnimo iyo Afduub”.

Mr.Farmaajo ayaa in muddo ah ku raad joogay sidii dib loogu dooran lahaa, iyadoo muddo xileedkiisu ku eg yahay 8-Feb 2021, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka uu wakhtigiisu ka dhacaayo Bishaan Dicembar, heshiisyadii la gaaryana Ee jadwalkii Doorashada dib ayuu u Dhacay, mana muuqato isku soo dhowaasho lagu xalinaayo Khilaafka Doorashada Somalia.

76300cookie-checkFarmaajo Oo Qorsheeyay In Jubbaland Loo Aqoonsado Degaan Cadow Heysto