Dagaal-beeleed Dib uga Qarxay Degaano Ka Tirsan Galguduud

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayas Dagaal beeleed u dhaxeeyay laba Maleeshiyo ayaa wuxuu ka dhacay deeganka Haraale ee Galbeedka fog kaga beegan degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka dagaalamay oo ah Xoolo dhaqato wuxuuna dagaalkooda salka hayaa arrimo la xiriira dhul daaqsimeed & dilal argoosi ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ilaa 6-Qof halka 8 kalena la sheegay iney ku dhaawacmeen.

Dadka Degaanka Haraale ayaa waxay sheegeen in dirirtaan ay tahay mid kusoo laab laabtay degaanka, isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneysa, iyadoo lagu eedeeyay Maamulka Galmudug & Dowladda Federaalka iney ka gaabiyeen xalinta xiisadahaan, iyadoo dadka ku dhaawacmay la kala geeyay Gurceel iyo Balanballe.

165250cookie-checkDagaal-beeleed Dib uga Qarxay Degaano Ka Tirsan Galguduud