Yuu u Furan Yahay Xabsiga NISA Ee Gobolka Benaadir

Somalia news

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa sheegtay iney xireen Xabsiga Nabadsugida Gobolka Benadir 18-kii Decembar 2018-kii, iyadoo uu weli furan yahay Muwaadiniinta Soomaaliyeedna lagu ciqaabo, sida u shaaciye Dhibane Soomaaliyeed…

Inkastoo Wasiiradii isaga dambeeyay Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka (Islow & Xundubey) ay carabka ku adkeeyeen in Xabsiga NISA Gobolka Benadir loo bedelay Akadeemiyad lagu tababaro Saraakiisha & S/Xixeenada Hey’adda NISA, ayaa haddana waxaa sheegashadaasi ganafka ku dhuftay Muwaadin Soomaaliyeed.

Mr.Cabdullaahi Maxamed Nuur (Nasri) oo horey uga tirsanaa Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland oo muddo bilooyin ah ku xirnaa Xabsigaasi ayaa sheegay Dhismahaasi uu yahay goob Muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu ciqaabo, isagoo sheegsy in culeys lagu saaray inuu Kala shaqeeyo Weeraro lagu qaado magaalada Kismaayo.

https://fb.watch/aSHLpj4g_-/

165290cookie-checkYuu u Furan Yahay Xabsiga NISA Ee Gobolka Benaadir