Ma Dhabaa in Hasan Sheekh uu Safarkiisii 3-aad ku tagaaya Dalka QATAR, Xili Xiriirkii UAE uu Saluugay..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa wadaa inuu safarkisii 3-aad muddo 12 bilood gudahood bartamaha bishan ku tago Dalka Qatar, isagoo taageero weydiisan doona Doha, wararka ayaa sheegaya inuu Saluugay Hab-dhaqanka Dalka UAE..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Madaxa Kooxda Damu jadiid uu xusul duub ugu jiro sidii uu u heli lahaa Kab Miisaaniyad ee Dowladda, kadib markii uu ku hungoobay Taageeradii UAE, sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa joojisay taageeradii dhaqaale ee u fidin jirtay Dowladda Federaalka, bilihii u dambeeyay ayaa baahi dhaqaale ayaa soo food saartay kadib matkii Safaro badan uu galay Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha uu ku wehlin doono mid kamid ah saaxiibadiisa gaarka ah (Faarax Sakiin oo katirsan Golaha Wasiirada Hogaanka kooxda Demu jadiid ayaa ka dhigatay Imaaraatka saaxiibkeeda koowaad ee dhinaca Amniga, welina kama helin wax dhaqaale toos ah.

254980cookie-checkMa Dhabaa in Hasan Sheekh uu Safarkiisii 3-aad ku tagaaya Dalka QATAR, Xili Xiriirkii UAE uu Saluugay..