Kulan ay Ergo Isimo ah la Yeesheen Madaxweynaha Puntland oo ku soo Dhamaaday Fashil

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan ay la yeesheen Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Dishishe, Ugaar Saleebaan iyo Cali Saleebaan Madaxweynaha Puntland waxeyna ka codsadeen inuu ka qeyb qaata taageerada iyo Taakukeynta Muaaadiniinta lagu xasuuqaayo magaalada Laas caanood…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in u tagida Isimada ee Mr.Deni ay ku salaysnayd gurmadka Dagaalka iyo u gargaarida Shacbiga Magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool iyo doorka uu Maamulkiisa ka qaadan karo.

Odayaasha ayaa u sheegay iney “Taskuleyn iyo Xoog Ciidan ayaan isku daba ridnay oo waxaan rabnaa in aan dirno, waxna weynu haysanaa kabidna waanu u baahan nahay ee maxaa noogu daraysaa? Ayay ku yiraahdeen Isimadu Deni wuxuu ugu jawaabay, isagoo Carraysan

“Anigu dagaal gali mahayo, dagaalna diyaar uma ahi xiligaan, doorasho ayaan wadaa, dagaal iyo doorashana isku meel ma galaan ee doorashada hadiinaan aadayn, dagaal Aadi mahayo”.

Isimada oo aad carraysan,ayaa kasoo tagey,balse ay dhiirigelin unoqotay sida uu ula soo dhaqmay, horay waxaa Isimada ugu yiri. “Ninkaas Denni ah waan isfahmi waynaye ila soo arka Axmed Karaash”.

242880cookie-checkKulan ay Ergo Isimo ah la Yeesheen Madaxweynaha Puntland oo ku soo Dhamaaday Fashil