Ma Dhabaa in Khilaaf soo kala dhex galay Ururo/Diimeedka ku Mideysan Dowladda Federaalka..

Somalia news

Sida ku cad qoraalo is burinaya oo kasoo kala baxay Xafiisyada Wasiirka 1-aad iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa dhaliyay jahawareer ku wajahan cida ay kala shaqeynayaan Hay’addaha Caalamiga ah caawinta IDPs ama dadka ku barakacay gudaha Dalka…

Nuxurka Khilaafka Demu jadiid & Daljir
Qoraal uu soo saaray 6-dii March-2023, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayuu ku amray Hay’addaha Caalamiga ah iney Gargaar u fidiyasn Dadka Dalka gudihiisa ku barakacay ay kala shaqeeyaan Hay’adda Qaxootiga Qaranka, Hay’adda uu amray Wasiir Fiqi in lala shaqeeyo waxaa hogaamisa Haweeneey lagu magacaano Aamino Siciid, taasoo beel ahaan is xigaan Wasiirka, Eeg lifaaqa.

Ayaan darrase 11-May-2023, ayuu Wasiirka 1-aad soo saaray Qoraal uu ku burinaayo Amarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Qoraalka Wasiirka 1-aad ayaa lagu amray in wax kasta oo Dadkaan loogu talo-galay “Barakacayaasha gudaha” in lagu wareejiyo Hay’adda SODMA oo ah Hay’ad uu maamulo mid ka mid ah, xubno lagu eedeeyey musuqmaasuqa Gargaarka Adanaha, Xogo ayaa tilmaamaya in Shaqsi ka tirsan La-taliyayaasha R/wasaaraha oo ay walaalo yihiin Maxamuud Macalin oo SODMA maamula kana soo jeeda qoyska hoose ee Madaxweynaha.

Ujeedka Dagaal mibdhicireedka kooxaha Demu jadiid iyo Daljir ee ku aadan sidii dhaqaale looga sameyn lahaa Mucaawinooyinka ay fidiyaan Hay’aduhu uguna talo galeen Dadkii ku barakacay Abaarihii dalka ka dhacay, ayaa u muuqata mid sii kala fogeyneysa Kaadiriinta Isbaheysiga ku ah qaab dhismeedka Dowlada Federaalka.

259180cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf soo kala dhex galay Ururo/Diimeedka ku Mideysan Dowladda Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com