Maxaa ka Run ah In Koox Iranian ah lagu Qabtay inta u Dhaxeysa Xaradheere iyo Hobyo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Xoogaga Amaanka ee Degmo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa qabtay 20-xubnood oo ajaaniib ah kuwaasoo la socday Gadiid ka yimid Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug xiligaan ay maamuulaan Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa sheegtay in warar is-khilaafsan ay ka soo baxayaan 20-xubnood oo dhalashadoodu tahay Iranian, warar ayaa sheegaya iney Mabaaxiis ahaan u heysteen Maleeshiyaadka Shababka halka warar kale ay sheegayaan iney ka tirsanaayeen Kooxda Shababka isla markaasna ka soo baxaadeen.

Wararka ayaa sheegay in loo diiday iney Doomo ka raacaan degaanka Gaan ee Degmada Xaradheere, Xubnahaan ayaa lagu hayaa Xabsi ku yaal Saldhigga Boliiska Degmada Hobyo, iyadoo ay Saraakiisha Amaanku ay Baaris ku hayaan kooxdaan waxaana laga yabaa in loo soo qaado magaalada Mogadishu.

227690cookie-checkMaxaa ka Run ah In Koox Iranian ah lagu Qabtay inta u Dhaxeysa Xaradheere iyo Hobyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com