Maamulka Somaliland oo ka Horjoogsaday Hay’adaha QM ee Gargaarka iney Gaaraan Laascaanood

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Maamulka Muuse Biixi ayaa amar dul dhigtay Hay’addaha QM iyo NGO-yada arrimaha Gargaarka iney qiimeynta xaaladda Gobalka Sool, ka sameyn karaan oo kaliya degaamada u dhaxeeya Oog iyo Ari-cadeeye, marnaba aysan u gudbi karin magaalada Laascaanood…

Wararka ayaa tilmaamaya in Xubno ka socda Hay’adaha qaarkood oo fulinaya amarka Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland oo ay galbinayaan ciidamada Somaliland ayaa kusugan magaalada Oog, oo ah xarunta weyn ee Xoogaga Somaliland, iyagoo isku diyaarinaya qiimeynta degaanadan.

Ilo loo qaateen ah ayaa sheegay in Maamulka Muuse Biixi uu ku xanibay Dekada Berbera Markab Daawo iyo Raashin u Waday Hey’adaha Gargaarka looguna tala galay Barakacayaasha Magaalada Laas caanood, waxaana talaabadan lagu fasiray inay Somaliland u qaaday in dhankeeda la soo mariyo Gargaarka Aadanaha ee loogu talo-galay bulshada kubarakacday dagaalka.

Hay’addaha QM qaarkood iyo Maamulka Washington ayaa todobaadkan bilaabay in ay gurmadka dadka dhibaateysan kasoo dajiyaan Garoowe, kadib loo gudbiyey deegaanada lagu barakacay iyo Laascaanood, Guddiga 33-da ee SSC ayaa horey u diiday in gargaar kayimaada xagga SL soo galo deegaanadooda.

249560cookie-checkMaamulka Somaliland oo ka Horjoogsaday Hay’adaha QM ee Gargaarka iney Gaaraan Laascaanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com