Dagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay uu dagaal ka dhacay degmadaasi, kadib markii ay fariisimada Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Shabaab….

Wararka hordhaca ah ee laga helaayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay uu dagaal ka dhacay degmadaasi, kadib markii ay fariisimada Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Maleeshiyaad Ka Tirsan Kooxda Shabaab….Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ka dhacay fariisimo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Mukayga, waxaana la sheegay inuu khasaare aan la cayimin uu soo kala gaaray dhinacyada Ku Dagaalamay halkaasi, Dadka Degaanka ayaa soo sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlay halkaasi, isla-markaana ay labada dhinac dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Amisom ee degmadaasi ku sugan ayaan dagaalka qayb ka ahayn, isla-markaana aysan soo dhaafin fariisimaha ay ku leeyihiin Afgooye, Inta badan Ciidamada Amisom ayaan ka qayb qaadan, marka sidaan oo kale ay Shabaabka u soo weeraraan degmadaasi, balse ay dagaalka ku biiraan marka uu aad u xoogeysto.

Maalmahaan Weerarada Kooxda argagixisada Shababka ayaa aad u kordhay iyagoo shalay qaraxyo is xig-xiga ku weeraray Fariisimada Ciidamada Dowladda ee degmada Balcad Ee Gobolka Sh/Dhexe kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

84210cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degmada Afgooye