Madaxweynaha Djibouti Oo Culeysyo Ku Saaray Senatarada & Xildhibaanada Beesha…

Somalia news

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo hagaga codadka Xildhibaannada iyo Senatorada Beesha Ciise ayaa genefka ku dhuftay isbahaysi siyaasadeed uu Madaxweyneyaashii hore ee Farmaajo & Xasan Sheekh kuwasoo ku howlanaa isbaheysiyo iska soo horjeeda si ay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka & tan Madaxweynaha ugu guuleystaan…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Madaxweyne Geelle uusan la dhacsaneyn Kaalinta Dowladdaaha Qatar & UAE, gaar ahasn Imaaraadka ku leedahay maalgelinta ololaha Siyaasiyiin ka caawinaya inay sii maamusho dekedo Soomaaliyeed oo DP World maamusho kuwo kalena sidaa kula wareegeyso, Geelle wuxuu diiddan yahay qorsheyaal Imaaraadku ku yaraynayo saameynta dekedda Djibouti kadib ka bixistii heshiis DP World ku maamulaysay terminaal dekedda Jabuuti ku yaala.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa taageersan soo bixista Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageeray heshiiskii DP World la gashay maamulka Somaliland si ay u maamusho dekedda Berbera, Wadahadalladii 2013kii dhexmaray Muqdisho iyo Hargeysa waxaa ku jiray qodob ah in aan horumarinta la siyaasadayn, qodob maamulka Somaliland u fasirtay inuu heshiisyo ku gali karo kaabayaasha qaranka sida dekedda Berbera ama inuu saldhig militari siin karo dal shisheeye.

Mr.Gelle ayaa la filayaa inuu dhowaan talo kama dambays ah siiyo Xildhibaannada iyo Senatorada beesha Ciise oo leh tirada ugu badan inkastoo ay hal degmo Soomaaliya ka degaan, Shirkii Carta sanadkii 2000 ayay beeshu ku heshay sadbursi siyaasadeed, wuxuuna kula taliyay iney codkooda siinin Farmaajo & Xasan Sheekh.

183580cookie-checkMadaxweynaha Djibouti Oo Culeysyo Ku Saaray Senatarada & Xildhibaanada Beesha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com