Dil Wadareed Oo Ay Geysteen Ciidamada Dowlada

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya dil wadareed qorsheysan. Oo ay geysteen Ciidamada Dowlada, laguna fuliyay 8-Dhalinyaro ah oo xirfadlayaal Caafimaad ah, kuwaasoo ka howlgalaayay degaanka Goliley Oo 30-km u jirta degmada Balcad….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Dhallinyarada la laayey, toddoba ka mid ah waxay u shaqeynayeen xarun caafimaad oo la yiraah Zamzam, waxayna ahaayeen dhallinyaro wax bartay oo jaamacado ka baxay oo deegaanka u tegay inay caawiyaan dadkooda, ayaga oo ka kala tegay Muqdisho iyo Balcad.

Inkasta oo baaritaan arrintan ku aadan weli uu socdo, oo aysan si dhab ah u caddeyn cidda gaysatay falkan, ayaa Tiro Dadka degaanka ay xaqiijiyeen in dil wadareedka dhallinyaradaan ay ka dambeeyaan Ciidamada Dowlada, kuwaasoo, sida ay sheegeen, iyagoo careysan shalay kaxeystay kadibna inta ay soo dileen kusoo tuuray laamiga Gololey.

Nabaddoon Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada kaxeystay dhallinyarada ay ka tirsanaayeen guutada 27-aad ee militariga Soomaaliya.

Nabaddoonka ayaa sheegay in ciidamada xasuuqa gaystay ay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda, balse ay wejiyada soo duubteen, sidoo kalena ay qariyeen astaanta calanka ee ku dheggan tuutaha.

Dowladdu waxay amartay in baaris deg deg ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas shacabka ah ee aan waxba galabsan gacanta lagu soo dhigo, oo cadaaladda la hor keeno” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay xukuumadda.

37920cookie-checkDil Wadareed Oo Ay Geysteen Ciidamada Dowlada