Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Biden Oo Su’aalo Laga Weydistay Xaalada Dhalinyarada Soomaaliyeed

Somalia news

Qadiyada Dhalinyarada (Ciidamo) ee Sida qarsoodiga ah Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ugu dirtay Dalka Eritrea ayaa gaartay in Congress-ka Mareykanka, Iyadoo Xildhibaanad Ilhan Cumar ay Su’aalo weydiisay Kusimaha Kaaliyaha Xog.Arrimaha Dibeda Mareykanka…

Mr.Robert F.Godec ayaa ka soo muuqday 30-kii Juun Congress-ka, waxaana Su’aalo laga weydiiyay xaalada iyo colaadaha ka oogan Waqooyiga Ethiopia, halkaasoo Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea ay ka geysteen Tacadiyo dhan ka ah xuquuqda Aadanaha.

Mr.Gadec oo ka jawaabaya Su’aal ay weydiisay Xildhibaanad Ilhan kuna Aadan haddii uu ka jawaabi karo in Ciidamo Soomaaliyeed ay ka qeyb qaateen Dagaalada Gobolka Tigray, wuxuuna sheegay iney la socdaan in Ciidamo Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin Dalka Ethiopia, wuxuuna sheegay Mr.Gadec in Ciidamadaasi ay Arrimo khuseeya Tababaro u joogaan Ethiopia.

Sijs stabs ha ahaatee, waxaa fadeexadaan u muuqataa mid bar madow ku reebtay Musharaxnimada Farmaajo, iyadoo ay soo baxayaan in Ciidamadaan lagu tababaraayo Gudaha Gobolka Tigray.

127230cookie-checkSarkaal Ka Tirsan Maamulka Biden Oo Su’aalo Laga Weydistay Xaalada Dhalinyarada Soomaaliyeed