Welwel Laga Muujiyay Ugaarsiga Saraakiisha Tigray

Somalia news

Qaramada Midoobay ayaa welwel xoogan ka muujiyay Howlgalada lagu beegsanaayo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia (Tigray ka soo jeeda) Ee ka howlgala Dalalka Somalia, Suudaan iyo South Sudan Ee qeybta ka ah Howlgala nabad ilaalinta UN-ka….

Macluumaad dheeraad ah oo la helay Ayaa tilmaamay in Saraakiil Sare iyo Ciidamo ka soo jeeda Qowmiyada Tigray laga soo daadgureeyay Dalalka kor ku xusan, iyadoo lagu soo qaaday Diyaarada Ethiopia airlines, dibna loogu celiyay Magaalada Addis abeba iyagoo lagu xiray xabsiyo kala duwan.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Saraakiishaan oo ay ku jiraan kuwo jagooyin sare ka hayay Howlgala UN-ka (Senior Commanders), ayaa walaac laga muujiyay in qaarkood jirdilo iyo xadgudubyo xoogan loo geystay xubnahaasi, talabadaasi oo meel ka dhac ku ah Howlgalada Nabad ilaalinta UN-ka.

Ilo waredyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Magaalada Beydhabo lagu xiray 14-Sarkaal, iyadoo hub ka dhigis iyo xarig la isugu daray, si qarsoodi ahna loogu dhoofiyay Magaalada Addis abeba, Maamulka Ethiopia Ayaan weli ka hadlin qeylo dhaanta UN-ka ee ugaarsiga Saraakiisha Ciidamada Ethiopia (Tigray).

Hey’addaha Xuquuqda Aadanaha iyo UN-ka ayaa horey uga digtay Ethiopia iney dembiyo dagaal ka dhasheen colaadaha ka oogan Gobolka Tigray Ee Ethiopia, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xasuuqyo wadareedyo lagula kacay dad badan oo rayid ah oo degaankaasi ka soo jeeda, isla markaasna hub culus iyo diyaarado dagaal loo adeegsaday Magaalooyinka gobolkaasi.

74770cookie-checkWelwel Laga Muujiyay Ugaarsiga Saraakiisha Tigray