Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo galabta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasoo geystay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad ku qayilaayay Meherad ganacsi oo Qaadka lagu cuno…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaani miino Inta la xaqiijiyay 3-Qof ayaa ku Geeriyoodeen halka in ka badan 6-kale ayaa dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaaray sida ay sheegeen Goob-joogayaal, wuxuuna ka dhacay xaafadda Tuurta ee Bariga magaalada Boosaaso.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaan, iyadoo aysan weli ka hadlin Maamulka Gobolka iyo kan Puntland, 6-dii bilood ee ugu dambeysay waxaa hoos u dhac ku yimaaday amaanka magaalada Boosaaso.

303280cookie-checkQarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com