Oday Lagu Dilay Duleedka Qoryooley

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya In Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, ay tuulo hoostagta Degmada ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa nin sixirka farsameeya…..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay Ninka la dilay oo 50 sano jir ahaa laguna magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar, inkastoo aysan jirin Qareen difaaca, haddana waxaa ku dhacay xukun hal dhinac ah, isla markaasna lagu fuliyay meel fagaare ah.

Ninkaan ayaa waxaa xukunka dilka ah ku riday Maxkamadda Kooxda Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii uu qirtay muddo shan sano inuu ku shaqeynaayay falalka Sixirka.

Dadweyne la isaga soo kala uruuriyay tuulooyinka hoostagga Degmada Qoryooley ee Kooxda Shabaab gacanta ku hayaan ayaa daawanaayay qaabka dilka uu u dhacaayay.

38480cookie-checkOday Lagu Dilay Duleedka Qoryooley