Dagaal-mindhicireedka Macaamiisha Ee u Dhaxeeya Tik-Tok, YouTube & Facebook

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Dagaal-mindhiciredka u dhaxeeya Shirkadda iska leh Baraha Bulshada (TikTok, YouTube & Facebook), sidii Macaamiisha hal-abuurayaasha ah ee isticmaala loo kala xod-xodan lahaa, iyadoo loo soo bandhigaayo Barnaamijyo cudub..

Shirkadda Tiktok oo ay iska leedahay Shirkadda Byte Dance ee dalka China ayaa u soo bandhigtay Macaamiisheeda Hal abuurayaasha ah iney soo gelin karaan Muqaal (Video) soconaaya 10-daqiiqo, talaabadaan ayaa la sheegay iney kor u qaadeyso dagaalka kala dhaxeeya Shirkadaha Youtube & Facebook oo laga leeyahay Dalka Mareykanka.

YouTube ayaa dhawaan dejisay Stratejiyad ay ku xodxodaneyso macaamiisheeda Hal-abuurayaasha ayna ku jiraan fududeynta howlaha Videos-ka ah & kor u qaadida tayada video-ka gaaban si loola tartamo Shirkadda Tiktok, halka Shirkadaha Facebook, Instagram ee Meta ayaa waxey leeyihiin Barnaamij la magac baxay Reels tasoo fududeyneysa mudnaanta Shirkadda ee dhanka Tiknolejiyada casriga ah ee si xowlgi ah u koreysa.

172390cookie-checkDagaal-mindhicireedka Macaamiisha Ee u Dhaxeeya Tik-Tok, YouTube & Facebook