Farmaajo Oo Colaadeed Ka Waday Gobolka Gedo

Somalia news

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaan wali ka quusan carqaladeynta dhameystirka kuraasta harsan ee doorashooyinka dadban, wuxuuna billaabay qorshe cusub oo uu doonayo inuu ku qalqal galiyo doorshada 16-ka kursi ee Gobolka Gedo…

Sida ay xaqiijinayaan xogo loo soo gudbiyay Warsidaha Diinah.com news, Farmaajo ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay kulamo la lahaa saraakiil beeshiisa, wuxuuna ku amray iney is hor istaag ku sameeyaan doorashada Ceel-waaq oo dhawaan bilaabaneysa.

Sidoo kale, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay, xubno ku jira Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, oo dhankiisa u janjeera, wuxuuna ku wargaliyay in ay si degdeg ah ugu safraan Garbahaarrey, kuna qabtaan doorashada kuraasta taalla gobolkaasi.

Xubno ay ku jiraan Kulane-Jiis & Cabdishakuur Cali Mire, ayaa loo xil saaray abaabulka howlahaan, waxaana magaalada tagi doona ciidan uu hoggaaminayo eedeysane Kullane Jiis, oo ay ku jiraan Saraakiil Ethiopian ah, oo dhawaan uu kulamo kula qaatay degmada Doolow.

Dhanka kale, Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa gaaray caasimadda KMG ah ee Jubbaland (Kismaayo).

Ujeedada socdaalka Waftiga Guddoomiye Geelle ayaa la xariirta dardargelinta doorashada 16 kursi, ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo lagu qabanayo degmadda Ceelwaaq ee gobalka Gedo, kaddib markii Guddiga FEIT ka wareejiyeen Garbahaarrey.

183140cookie-checkFarmaajo Oo Colaadeed Ka Waday Gobolka Gedo