Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Isbitaalka Laasaretti

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Dagaalkii dib uga qarxay dhinaca Isbitaalka Lasaretti, kaasoo la sheegay inuu geystay khasaare balaaran inkastoo xiligaan uu yara qaboobay, waxaase weli dhacaaya rasaas teel teel ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac gurmadyo kala heleen, ciidanka Gorgor ayaa dagaalka Mirinaayada ku soo biiray, iyadoo iska caabin xooggan kala kulmeen ciidanka Milateriga ee difaacaya aagga Mirinaayada iyo guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ciidamada NISA iyo Kuwa Gorgor ayaa tali’s ka dhigtay Xarunta NISA, iyagoo halkaasi geystay dhaawacyada iyo meydka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya inay arkeen gaari beebe ah oo la jiidayo, kaasoo dagaalkii Mirinaayada lagu gubay.

Dhanka kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maantay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, isagoo ku sii jeeda Magaalada Dubai, waxaana lagu wadaa inuu 2-3 maalmood ku maqnaado.

114180cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Isbitaalka Laasaretti