Dagaal Saq-Dhexe dib uga qarxay Garoowe iyo Gurmad Ciidamo oo ka yimid Gobolka Bari ..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay saqdii dhexe dib uga qarxay magaalada Garoowe, iyadoo dhinacyadaan ay isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan isla markaasna ku dadaalaaya dhinac kasta inuu ku gacan sareeyo, halka Qaxa Dadka Rayidka ah ay kordheen..

Wararka ayaa sheegay in dagaalka xoogiisu uu ka socdo Agagaarka Hoteelka Kulmiye kadib markii ay Xoogaga labada qaarkood ay isku dayeen in goobo cusub soo galaan, waxaana ka qayb qaatey Ilaalada madaxtooyada, Daraawiishta, Ciidanka PMPF, Ciidamo Boliiska iyo kuwa Mucaaradka la baxay Danab oo taabacsan Korneyl hadda ka falaagoobey ciidanka amniga ee Puntland oo lagu magacaabo Col. Jimcaale Jaamac takar, kuwaas oo u abaabulan qaab beeleed, iyadoo Dagaalkii shalay uu geystay khasaare baaxad leh, dhimashada la xaqiijiyey waa 25 qof oo askar u badan, dhaawacyadana intaas ayay kasii badan yihiin.

Xogo loo qaateen ah aya sheegaya in Xoogag qaab beeleed u abaabulan ayaa Maamulka Dani soo galisay magaalada Garoowe, si dagaalkay guul uga gaaraan, In ka badan 15 Gaadiidka dagaalka ah ayaa oo kasoo ruqaansaday dhinaca Gobalka Bari ayaa qaarkood magaalada Garoowe soo gaaray.

Dadaalo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka oo ay ku dalbadeen in 3-Gaari kuwa dagaal ah iyo tiro Maxaabiis ay dagaalka kuqabteen Xoogaga daacada u ah Mr.Dani lagu soo wareejiyo, taasoo ay ku gacan seyreen, Odayaasha Dhaqanka ayaa lagu wadaa iney Warbaahinta la hadlaan kadib markii ay ku faahilmeen iney dagaalks joojiyaan.

261900cookie-checkDagaal Saq-Dhexe dib uga qarxay Garoowe iyo Gurmad Ciidamo oo ka yimid Gobolka Bari ..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com