FAAHFAAHINTA KHASAARAHA DAGAALKII MAANTA KA DHACAY GAROOWE

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal la isku adeegsaday kaasoo ugu yaraan 9-Qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta Garoowe ku dhex maray Xoogaga Amaanka iyo kuwa taabacsan Mucaaradka…

Labada dhinac ee Maamulka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalka oo socday mudda saacado ah islamarkaana ka dhacay aagag kala duwan, Iska hor-imaadka ayaa hadda u muuqda mid sii qaboobaya waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa Xafadaha qaarkood.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Dowladda iyo Mucaaradka, Qoraal ka soo baxay Baarlamanka ayaa lagu sheegay in fadhigii maanta oo ay xaadir ahaayeen 35 xubnood ay 34 kamid ah u codeeyeen wax ka beddelka dastuurka hal mudane keliya ah ka aamusay.

261830cookie-checkFAAHFAAHINTA KHASAARAHA DAGAALKII MAANTA KA DHACAY GAROOWE